Suudaan Oo Laga Qaaday Xayiraad Ka Saarnayd Ka Qayb-qaadashada Hawlaha Midowga Afrika

Addis Ababa (HCTV) – Ururka Midowga Afrika ayaa Suudaan ka qaaday Xayiraad uu ka saaray doorkii ay ku lahayd Shaqada Ururkaasi, ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibed-baxyo dhiig ku daatay, kuwaasi oo daba socday Xukunkii laga tuuray Cumar Xasan Al-bashiir oo 30 Sanadood Dalkaa soo xukumayey.

Midowga Afrika ayaa Suudaan Xayiraadda Jimcihii la soo dhaafay, ka dib markii Raysal-wasaaraha cusub ee la Magacaabay Abdalla Hamdok uu soo Magacaabay Xukuumaddiisii ugu horraysey, taasi oo ay ka ah Xukun-wadaaga soconaya muddada Saddexda sannadood ah, kaasi oo u dhexeeya Millateriga Suudaan, Xisbiyada Suudaan iyo Kooxihii dibed-baxayaasha.

Golaha Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa Qoraal ay ku baahiyeen Twitter-ka waxay ku sheegeen inay go’aansadeen ‘Inay Suudaan ka qaadaan Xayiraaddii laga saaray ka qayb-qaadashadeeda Hawlaha Ururka Midowga Afrika, maaddaama oo Suudaan samaysatay Dawlad uu Rayid hoggaaminayo.’

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka