Akhri: Boqor Salmaan Oo Wiilkiisa U Magacaabay Wasiirka Macdanta Sucuudiga

Akhri: Boqor Salmaan Oo Wiilkiisa U Magacaabay Wasiirka Macdanta Sucuudiga

Sawirro: Xuutiyiinta Oo Soo Bandhigay Gantaallo Cusub Iyo Diyaaradaha Wax Basaasa
Amnesty Oo War Ka Soo Saartay Xayiraaddii Horyaal Iyo Eryal Tv
AKHRI: Qodobbada Heshiis Ay Wada Gaadheen KULMIYE Iyo UCID
Shirkada Gaadiidka Ee Sahal Oo Daahfurtay Adeeg Cusub.
Madaxweynaha Mexico Oo Ka Jawaabay Ficillada Trump

Riyaad (HCTV) – Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi.

Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga.

Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan.

Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta, kaasi oo HCTV uu Warkiisa soo xigtay.

Wasiirka Xilka Laga Qaaday ee Sucuudiga. Khalid Al Falih

Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: