Sidee Loola Kala Wareegayaa Guddoomiye-nimada KULMIYE Ee Madaxweyne Muuse Hayo ?

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheer ayaa faahfaahiyey Dariiqa Sharci ee loo marayo in Madaxweynaha Somaliland oo ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu Xilka Guddoomiye-nimo ee Xisbiga ugu wareejinayo Guddoomiyaha loo dooran doono.

Axmed Cabdi Dheer oo Maanta Saxaafadda kula hadlayey Xarunta Xisbiga KULMIYE ee Magaalada Hargeysa ayaa isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa in Guddoomiye-nimada Xisbiga hab qabiil loola kala wareegayo ayaa yidhi “Xisbiga KULMIYE Guddoomiye-nimadiisa la iskuma wareejiyo, reerana iskuma wareejiyaan, Muuse-na laguma wareejin, hebel kalena lagu wareejin maayo, Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ayaa cod u qaaday in Maalinta doorashadu dhacdo in lagu wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga, markaa dariiq bay leedahay, markaa reerana iskuma wareejin, hebelna kuma wareejin hebel, Annaga ayaa gacanta u taagnay, imikana Gacantii ayuun baa la sugayaa, Ninkii isa soo sharraxa ayuun baa codka la siinayaa, Qof kastaana Xaq buu u leeyahay, laakiin wax ay reeru isku wareejinayaan ama Guddoomiyuhu uu Guddoomiye kale ku wareejinayaa ma jirto..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka