KULMIYE Oo Ku Farxay Go’aan Xisbiyada Mucaaradka Ka Soo Baxay

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa soo dhaweeyay Go’aan ay shalay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID soo saareen, kaasi oo ah inay soo Magacaabanayaan xubnihii uga qayb-galayey komiishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaasi oo tiradoodu noqonayso 7 Xubnood.

WADDANI iyo UCID oo hore u doonayey in Tirada Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka laga dhigo 9 xubnood, ayaa shalay si wada jir ah u shaaciyey inay go’aansadeen in Xubnaha Komiishanka ee cusub ahaadaan sidii hore, maaddaama oo muranka arrintaa ku saabsan oo sii jiitamaa uu dib u dhigayo Doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaannada, sidaasi darteedna ay soo Magacaabanayaan Xubin Xubintii u mataleysay Komiishanka.

Xisbiga KULMIYE oo arrintaa daba socda ayaa Maanta Xisbiyada WADDANI iyo UCID ku hambalyeeyay go’aankood, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Kulmiye, Axmed Cabdi Dheer oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Muddo badan ayaynu sugaynay in Saddexda xisbi wax isla afgartaan, waana dariiq dheer oo ay Somaliland soo martay in wax kasta lagu dhameeyo Wada-hadal, wallow ay sannadkan naga yara xumaatay oo dhex-gal la nagu sameeyay Arrintaa aanu Maanta ka heshiinay, hadday qaateen Xisbiyadii Mucaaradka ahaa aad iyo aad baanu ugu Hambalyeynaynaa, waanuna soo dhawaynaynaa..”

Mr. Axmed Cabdi Dheer oo Saxaafaddu waydiisay waxa laga yeelayo muranka Saami-qaysiga kuraasta Golaha Wakiillada, ayaa ku jawaabay “Saami-qaybsigu waa wax Qaranka u yaallaan, Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumaddu way ka hawl-galayaan, wuxuu Qaranku kaga tashado ayayna noqonaysaa…”ayuu yidhi.

Muranka Tirada laga dhigayo Komiishanka Doorashooyinka ayaa soo taagnaa muddo ku dhow laba sannadood, waxaana laga yeeshay illaa 64 Shir muddadaa, laakiin wax heshiis ah oo kama dambays ah lagama gaadhin, laakiin Xisbiyada Mucaaradka ah oo diiddan inay fursad siiyaan Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ayaa Shalay shaaciyey in komiishanka cusub ee la soo Magacaabayo tiradooda laga dhigo 7 xubnood, iyagoo ka noqday go’aankoodii hore ee ahaa in laga dhigo 9 xubnood, sagaalkaas oo Madaxweynuhu diiddan yahay in xilligan komiishanka laga dhigo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka