Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Ka Hadlay Mashaariicda Midawga Yurub Ee Soomaaliya Saxeexdo

Berlin, (HCTV) – Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Cabdi Cismaan oo HCTV waraysi gaar ah ku siiyey dalka Jarmalka ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay mashaariicda kala duwan ee reer Yurub ay ka hirgaliyaan Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey ay saxeexa lahayd dawladda Federalka ee Somalia.

“Somaliland waxay leedahay awood ay ku waydiisato caalamka wixii ay u baahantahay oo baahideeda iyadaa og Xamarna kama timaado, waxaana jira sanduuq gaar ah oo Somaliland Development Fund la yidhaa oo Somaliland baahida ay mashaariic u qabto, markaa waxaad odahay sanduuqaasi oo ilaa shan sanadood jiray in Somaliland loogu soo shubo wixii caawimo la siinayo Somaliland Muqdishana kuma xidhna,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr Cabdi Cismaan, kaas oo sidoo kale ka hadlay shir caalami ah oo uu dalka Jarmalka kaga qayb galay.

“Markaa waxaanu u nimid shirkan oo ujeedadiisu ay tahay sidii dib loogu soo noolayn lahaa farsamooyinkii gacanta ee loo tababari lahaa shaqaale xirfado kala jaad jaad ah yaqaana Jarmalkuna aad ayuu nooga caawinayaa arintaasi, markaa waxaanu tagnay meesha Vocational Training Center-ka oo caalami ah oo dalka Jarmalku uu leeyahay iyo machadka khaaska ah ee lagu tabaro dadka, markaa waxa naloo tusay nooca aanu qaadan lahayn ee Somaliland ku haboon,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=Gim-5OuTsmE&t=68s

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.