Wasiirka Beeraha Oo Sheegay In La Xallinayo Tabashada Reer Awdal

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay Cabashooyin dhawaan ka soo yeedhay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro reer Awdal ah, kuwaasi oo sheegay inaan Gobolkooda doorashada Golaha Wakiilladu ka dhici doonin haddii aan la xallin Muranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo Maanta la hadlay Telefiishanka Sahan ayaa sheegay in waxyaabaha ay ka cabanayaan Dadka reer Awal ay jiraan, laakiin ay Xukuumaddu xallin doonto, waxaanu yidhi “Cabashadani runtii waa wax jira, Xukuumadihii isaga kala dambeeyay Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Rayaale (Xilligiisii) way jireen, waalla xalliyey markaa, xilligii Madaxweyne Axmed-siilaanyo way jireen, imikana way jiraan, markaa waxay u taladu u taallaa inay xalliso Cidda markaa talada Dalka haysa. Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobolku arrintaa waanu xallin doonaa, waana laga wada-hadli doonaa.”

Wasiirka Beeruhu wuxuu sheegay in Xalka cabashada reer Awal aanay cid keliya u oolin “Sida asxaabtu aanu Saaxiibka nahay sheegayaana, maaha arrin u taalla Raggii ku jiray Golihii Wasiirrada ee hore ee aan imika xilka haynin, laakiin waxay u taallaa dhammaan Shacbi-weynaha reer Awdal..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay muranka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada “Arrintani waxay soo noqotaa (Muranka Saami-qaybsigu) marka doorashooyinka wakhti koobani ka hadho, imika waxa la gelayaa Doorashadii Golaha Wakiillada oo wakhti kooban ayaa inooga hadhay, mar walbana way soo noqnoqotaa, laakiin waxaanu jecellahay in wixii hadda ka dambeeya aanu xallino..”

Ugu dambayn, Wasiirka oo la waydiiyey sida uu u arko soo jeedimaha odhanaya ‘Dastuurka hala furo’ ayaa sheegay in aanay taasi sax ahayn xilligan, isla-markaana aan Gobol keliya Dastuurka loo furi karin.

Gobolka Awdal ee uu Wasiirku ka soo jeedo ayaa 13 Kursi ku leh Golaha Wakiillada Somaliland, waxayna doonayaan inay helaan Kuraas intaa ka badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka