Ruwanda Oo Dib U Dejin U Samaynaysa Afrikaan Laga Soo Daad-guraynayo Albaabka Qaaradda Yurub

Liibiya (HCTV) – Boqollaal Qoxooti Afrikaan ah oo lagu hayo Goobo ku yaalla Dalka Liibiya ayaa laga daad-guraynayaa Halkaasi Toddobaadyada soo socda.

Dadkan oo qaarkood Tahriib ku tageen Liibiya ayaa kuwooda u horreeya dib u dejin loogu samaynayaa Dalka Rwanda, sida qaramada Midoobay sheegtay Salaasada Maanta.

Vincent Cochetel, oo ah Ergayga Hay’adda UNHCR u qaabilsan Badhtamaha Mediterranean, ayaa sheegay in 500 oo Dadka Afrikaanka ah ee lagu hayo Liibiya loo daad-guraynayo Dalka Rwanda, ka dib markii Midowga Afrika uu heshiis kula galay in Qoxootiga Afrikaanka ah ee Liibiya jooga halkaa dib loogu celiyo.

“Heshiiska Rwanda wuxuu odhanayaa in Qoxootigu halkaa la geynayaa ka badan karo 500, haddii ay ku qanacsan tahay..” ayuu yidhi, Mr Cochetel oo shaacinayey arrinta “Xaqiiqdiina wuxuu ku xidhan yahay sida Beesha Caalamku uga shaqaysiiso (Heshiiska)..” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Liibiya ayaa noqotay goobta ugu weyn ee Dadka Afrikaanka ah ee ka qaxaya Dagaallada iyo Saboolnimadu doonayaan u sii maraan Yurub.

Reer  Yurub ayaa doonaya  inay Xal u helaan Qul-qulka Tahriibayaasha Afrikaanka ah, Heshiiska Dadka lagu daad-guraynayaana taas ayuu qayb ka yahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka