Soomaaliya Oo Ka Hadhay Is Reeb-reebka Koobka Adduunka

Soomaaliya Oo Ka Hadhay Is Reeb-reebka Koobka Adduunka

Jaaliyadda Soomaalida Ee Kenya Ayaa Munaasibad Taagero Ah U Qabtay Madaxweynaha Cusub Ee DDSI
Fadliga Soonka Maalinta Carafo: Sheekh Berberawi
Soomaaliya: Gabadh Da’yar Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacayo
Maamulka Puntland Oo Kaantaroolka Laga Galo Garoowe U Soo Rarray Sool
Maydadka 72 Qof Oo Doon Kula Dagtay Xeebta Tunisia Oo La Helay

Zimbabwe (HCTV) – Xulka kubadda cagta ee Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, ka dib ciyaar Maanta gelinkii dambe ee Maanta ka dhacday garoonka National Sports Stadium ee Magaalada Harare.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee ciyaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay ciyaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay u soo gudubto waxayna u ekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaaddo daqiiqadaha yar ee ciyaarta ka hadhsanaa.

Laakiin, Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee ciyaarta, kuna adkaatay 3-1.

Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka Adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maaddaama Soomaaliya ay lugtii koowaad ku soo adkaatay 1-0.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: