Soomaaliya Oo Ka Hadhay Is Reeb-reebka Koobka Adduunka

Zimbabwe (HCTV) – Xulka kubadda cagta ee Zimbabwe ayaa 3-1 kaga adkaaday xulka Soomaaliya, ka dib ciyaar Maanta gelinkii dambe ee Maanta ka dhacday garoonka National Sports Stadium ee Magaalada Harare.

Zimbabwe ayaa daqiiqaddii 77-aad ee ciyaarta ku hormartay hoggaanka, hase yeeshee Soomaaliya ayaa barbareysay daqiiqaddii 85-aad, kadib gool uu dhaliyey Cumar Maxamed.

Soomaaliya ayaa u baahneyd inaan shanta daqiiqo ee u dambeysay ciyaarta aan laga dhalin wax aan ka badneyn hal gool, si ay u soo gudubto waxayna u ekeyd wax aad u adag in Zimbabwe ay laba gool la timaaddo daqiiqadaha yar ee ciyaarta ka hadhsanaa.

Laakiin, Zimbabwe ayaa labada gool dhalisay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad ee ciyaarta, kuna adkaatay 3-1.

Zimbabwe ayaa wareega xiga ee is-reeb reebka koobka Adduunka ugu gudubtay cel-celis ah 3-2, maaddaama Soomaaliya ay lugtii koowaad ku soo adkaatay 1-0.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka