Madaxweyne Trump Oo Caydhiyey La-taliyihiisa Amniga (Akhri)

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka ayaa caydhiyey oo xilka ka qaaday La-taliyihiisii arrimaha Amniga, Mr. John Bolton.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Salaasadii Shalay eryey Bolton, ka dib markii ay isku aragti ka noqon waayeen siyaasadaha Maraykanku ka leeyahay IRAN iyo Afganistan.

Madaxweyne Trump ayaa bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray hadal u dhignaa “Waxaan xalay u sheegay John Bolton in shaqadiisa xilligan looga baahnayn aqalka cad..”

Xaqiiqatan weli ma cadda qodobbada ugu waaweyn ee ay Madaxweyne Trump iyo Bolton isku jiidheen ee la xidhiidha Afganistan iyo IRAN, balse Al-jazeera ayaa qoraysa in shaqada John Bolton markii horeba bilaabantay isagoo waxyaabo badan kaga aragti duwan Trump.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka