Akhri: Sucuudiga Oo Cambaareeyay Qorshe Isreal Ku Qaadanayso Dhul Kale Oo Muslimiin Leeyihiin

Tel Aviv (HCTV) – Dawladda Sucuudiga ayaa Cambaaraysay Qorshe uu Raysal-wasaaraha Isreal ku doonayo inuu dooxada Jordan ugu daro Dhulka Dalkiisa Isreal.

Raysal-wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu oo ku jira ololaha doorashada guud oo Toddobaadka soo socda dhacaysa ayaa sheegay in haddii xafiiska ku soo laabto oo uu doorashada ku soo baxo inuu Dooxada Jordan oo qayb ka mid ahi ku taallo Daanka Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta uu ku soo dari doono Isreal.

Dooxada, qaybteeda Daanta galbeed ku taalla ayaa waxa ka dhisan 65 kun oo Guri oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo illaa 11 kun oo Yuhuud la deegaameeyay leeyihiin, laakiin Benjamin Netanyahu ayaa doonaya inuu gabi ahaanba si xoog ah ugu soo daro dhulka Isreal.

Boqortooyada Sucuudiga oo ka xun Go’aankan uu ku ololaynayo Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay isla-markaana sheegay inay arrintaasi khatar ku tahay Dadka reer Falastiin.

Dawladda Sucuudiga ayaa kulan deg-deg ah oo arrintaa laga yeesho ugu baaqday 57 Dawladood ee Islaamka, si arrintan wada-hadal looga yeesho.

Dooxada Isreal damacsan tahay ayaa Juquraafi ahaan dhanka Waqooyi ka xigta Badda dhimatay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka