Xamaas Oo Duqaysay Isreal, Xilli Uu Khudbaddii Ololihiisa Jeedinayey Netanyahu Iyo Jawaabta Ciidankiisa Cirka

Isreal (HCTV) – Saqdii dhexe ee Xalay Diyaaradaha Isreal ayaa bambooyin ku garaacay Xarumaha uu Ururka Xamaas ku leeyahay Magaalada Qasa.

Duqaymaha Ciidammada Isreal ka geysteen goobaha Xamaas ee Qasa, ayaa ka dambeeyay markii Gantaal laga soo riday Xadka Qasa ee dhinaca Falastiiniyiintu uu hakad geliyey isku soo bax qayb ka ahaa ololaha uu doorashada guud ee Isreal ugu jiro Netanyahu.

Duqaymaha laga fuliyey Gudaha Magaalada Qasa ayaa waxa xaqiijiyey Millateriga Isreal, Arbacada Maanta.

Mr Netanyahu ayaa saarnaa masraxa, waxaanu jeedinayey Khudbad uu kula hadlayey taageerayaashiisa, markii laga war helay inay gantaallo ku soo waajahan yihiin Magaalada Ashdod oo koonfurta Isreal ah, Xilli dambe oo Salaasadii Xalay ah.

Duqaynta Xamaas ka geysatay Gudaha Isreal ayaa timid, Saacad uun ka dib, markii uu soo baxay Warka sheegaya in Netanyahu damacsan yahay inuu dooxada Jordan ku soo daro Isreal, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo HCTV uuu Warkan ka soo xigtay.

Millateriga Isreal ayaa sheegay in Diyaaradahoodu beegsadeen illaa 15 Goobood oo ay ku sheegeen inay fadhiisimo u yihiin waxay ugu yeedheen Argagixisada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Goobo Hubka lagu farsameeyo, Godad iyo meelo kale oo ku yaalla Waqooyiga iyo badhtamaha Qasa.

Laakiin, Ciidammada Isreal ma sheegin khasaaraha ay gaadhsiiyeen meelaha ay duqeeyeen inta uu leeg yahay, Xamaasna illaa hadda kama hadal.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka