Hargeysa: Weriyihii Labaad Oo Xukuumaddu Toddobaad Gudihii Ku Xidhay

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska ayaa Xalay Xabsiga u taxaabay Weriye Cabdiqani Cabdillaahi (Asparo) oo ka mid ah Maamulka Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews.com oo xafiiskeeda guud ku yaallo Magaalada Hargeysa.

Cabdiqani Asparo oo ah Tifaftiraha Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa Ciidammadu ka xidheen xilli dambe oo Xalay ah, isagoo sida la sheegay xilligaa ku sugnaa Gurigiisa.

Xadhigga Weriyahan ayaa daba socday dacwad uu Shabakadda Hadhwanaag ka gudbiyey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Mr. Baqdaadi.

Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa hore loogu xayiray Shabakadda Hadhwanaag, taasi oo keentay in Internet-ka Shirkadaha qaarkood laga booqan kari waayo.

Maxamed Cismaan Mire, Mulkiilaha Telefiishanka Horyaal

Xadhigga Weriye Asparoo ayaa imanaya Maalmo uun ka dib, markii Xukuumaddu Xabsiga u taxaabtay Mulkiilaha Telefiishanka Horyaal, Maxamed Cismaan Mire (Sayid), halka Telefiishanka Horyaal iyo Shabakadda Hadhwanaagna la xayiray.

Arrimahan ayaa waxa hore u cambaareeyay ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka