Puntland Oo Xidhay Badhasaab Ku-xigeenkii Somaliland U Joogay Badhan

Puntland Oo Xidhay Badhasaab Ku-xigeenkii Somaliland U Joogay Badhan

Gudoomiye Xigeenka Tog Wajaale Oo Baaq U Diray Beelaha Ku Diriraya Gobolka SOOL.
Madaxweynaha IRAN Oo Dabacsanaan U Muujiyey UK Oo Ay Maraakiib Kala Haystaan
Bangiga Faransiiska Oo Ka Hadlay Dacwadda Axmed Cismaan Geelle
Togdheer: Carruur Ku Dhintay Barkad-biyood Ay Ku Dhaceen
Xadka U Dhaxeeya Wadamada Ethiopia Iyo Eritrea Oo Maanta Dib Loo Furay

Badhan (HCTV) – Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga.

Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed.

Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen.

Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo.

Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: