Wasaaradda Beeraha Oo Saadaalisay Roobab Waaweyn, Shacabkana Digniin U Dirtay

Hargeysa (HCTV) – Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in Arbacada Maanta iyo Maalmaha foodda innagu soo haya ay Somaliland ka da’i doonaan Roobab waaweyn.

Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha, Cabdiqani Galaydh oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay Maalmaha soo socda yareeyaan Safarradooda Gobollada Dalka, maaddaama oo Roobab waaweyni da’ayaan “Maanta, Berri iyo illaa sahan dambe, waxa da’i doona haddii Allaah yidhaahdo Roobab fiican, siiba Maanta oo bishu tahay 11..” ayuu yidhi.

Agaasimuhu wuxuu farriin u diray Dadweynaha reer Somaliland “Gobollada galbeedka aad bay Maanta iyo Berri-ba Saxmaddoodu u badanaysaa, Maanta waxa qalin-jabinaysa Jaamacadda Camuud, Dad badan baa Hargeysa iyo Gabiley ka baxay, Gelinka dambena oo soo noqon doona, markaa Shacabka Somaliland waxaanu la socodsiinaynaa inay la socdaan Roobka Maanta gelinka dambe da’aya, iskana ilaaliyaan dooxyada..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka