Ugu Yaraan 50 Qof Oo Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Congo

Tanganyika, (HCTV) – Ugu Yaraan 50 qof ayaa ku dhintay markii shil tareen oo ka dhacay Jahuuriyada Dimuqraadiga ee Congo, maanta oo khamiis ah, sida uu sheegay Wasiir ka tirsan xukuumada dalkaasi.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada Mayibaridi ee gobolka Tanganyika ilaa 8 subaxnimo, sida uu sheegay Steve Mbikayi oo ah Wasiir arimaha gargaarka u qaabilsan dawlada dalka Congo.

Dhimashada ayaa kor u sii kacaysa marba marka ka dambeeya, sida uu sheegay Mbikayi, waxaana tirada dhaawacu ay ilaa hada maraysaa 23 qof oo ku dhaawacmay shilka Tareenkan rogmaday.

Xaalada Tareenada ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa ah mid aad u liidata, iyadoo tan iyo wakhtiyadii la dhisay ee 1960-dameedyadii aan helin wax dayactir ah ama dib u habayn ah oo lagu sameeyey jidadka Tareenada dalkaasi ay maraan.

Bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii 24 qof ay ku dhinteen, 31 kalena ay ku dhaawacmeen markii uu rogmaday Tareen siday Rakaab sharci daro ah oo marayay gobolka badhtamaha dalkaasi ku yaala ee Kasai.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.