Madaxweyne Biixi Oo U Garaabay Muwaadiniinta Dhaliila Xukuumaddiisa

Gabiley (HCTV) –  Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababaha keena in Shacabku Mucaaradaan Xukuumadaha ay soo doortaan.

Madaxweynaha oo Maanta hadal ka jeediyey Xaflad ay ku qalin-jebiyeen Arday ka aflaxday Jaamacadda Timo-cadde ee Magaalada Gabiley, ayaa sheegay in aan Dawlad wada wanaagsani jirin, sidaasi darteed aanay jirin sabab Dadka Xukuumadda taageersani u diidaan dhaliilaha Shacabka ka imanaya.

Madaxweyne Biixi oo Arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Dawlad wanaagsan lama arag meel ay joogtaba, markaa Ninka leh maxaa Dawladda loo sheeganayaayoow ha diidin Dawladdu way xun tahaye, Waayo? Mar walba Dawladda waxa laga rajeynayo iyo waxay qabato ayaa kala yar, ta Maraykana ee ugu weyna dhahoo marna ma jirto Dawlad wixii loo doortay wada qaban karta, Ilaahay ayuun baa wax wada dhamayn kara.”

Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa sheegay “Marka wixii laga rejaynayey (Xukuumadda) iyo wuxuu qabtay kala yaraadaana waalla caayayaa, waalla tuur-tuurayaa, waa lagu mudaharaadayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in sababaha inta badan keenaya in Xukuumadaha tiisu ka mid tahay la dhaliilaa tahay Busaaradda “Cidna ma necba Madaxweynaha iyo Wasiirrada, Qof walba wuu jecel yahay, reer Walba wuu jecel yahay oo uu soo dhaweeyaa, laakiin marka Busaarad badan jirto xitaa Qoysku wuu is laayaa (Sababtuna waa) Marka Faqri iyo dhibaato badan jirto ee Dawladduna wixii laga filayey wada qaban kari waydo waa lagu qaylinayaa oo waalla haaraamayaa..”

Hadalka Madaxweynaha Somaliland oo dhamaystiran halkan Hoose ka Daawo:-

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka