Xisbiga UCID Oo Cambaareeyey Xadhiga Wariyeyaasha Iyo Xarumaha Warbaahinta

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa cambaareeyey xadhiga Wariyeyaasha iyo xarumaha Warbaahineed ee xukuumada Somaliland ay maalmihii la soo dhaafay kula kacday warbaahinta madaxabanaan ee dalka.

Yusuuf Kayse Cabdilaahi Xoghayaha Warbaahinta ee xisbiga UCID isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan maanta ka hadlo, arin soo noqnoqotay intii xukuumada talada haysaa ay xukunka qabatay, oo ah wariyeyaal iyo meherado warbaahineed oo sifo sharci daro ah lagu xidho oo caadi iska noqotay, xisbi ahaan waxaanu cod dheer ku cambaaraynayaa xadhiga wariyeyaasha iyo warbaahinta aan sharciga loo marin. Saxaafadu sharcibay leedahay la ydihaahdo 27/2004 looma maro wariyeyaasha xadhigooda waanu cambaaraynayaa, kuwa la sii daayey ee sifahaa xaaraanta ah in loo xidhay hadana la sii daayey waanu cambaaraynayaan.

Waxaanu leenahay xukuumada waar xadhiga wariyeyaasha sumacdiina uma wanaagsana,” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID, Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.