Xuutiyiinta Oo Weerarray Xarumaha Ugu Waaweyn Ee Lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga

Saudi (HCTV) – Diyaarado Drones ah oo ay leeyihiin Jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama ayaa weerarray laba Xarumood oo ay maamusho Shirkadda Shidaalka ee Sucuudiga ee Armaco.

Sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Sucuudiga oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Sucuudiga, labada diyaaradood oo Qarax ahaan loo adeegsaday ayaa lala beegsaday Xarunta ugu weyn ee Shirkadda Shidaalka ea Armaco ku leedahay Abqaiq, halkaasi oo ah goobta ugu weyn ee Shidaalka lagu warshadeeyo.

Waxa kale oo Diyaarad Drone ah lala beegsaday Khurais ay ku yaallo Goobta laga Maamulo Shidaalka Sucuudiga.

Weerarradan ayaa sababay in dab xoog lihi ka kaco Goobaha diyaaradaha Drones-ka ah lala beegsaday “Saacaddu markay ahayd 4.00am ayaa Ilaalada Warshadda Shidaalka ee Armaco waxay bilaabeen inay la dagaalamaan Dab ka kacay labada Xarumood ee Abqaiq iyo Khurais oo dab ka kacay (Duqaymaha Drones-ka awgeed)..” ayuu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Sucuudiga.

Afhayeenku ma sheegin khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Weerarkan, mana sheegin Cidda Masuulka ka ahayd Weerarka, laakiin Xilli dambe oo Sabtida ah ayaa Xuutiyiintu sheegeen in labada diyaaradood ka mid yihiin ilaa 10 Drones ah oo ugu talooyin inay fuliyaan weerarro aan kala joogsi lahayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka