Weerar Xuutiyiintu Ku Qaadeen Sucuudiga Oo 50% Hoos U dhigay Wax Soo-saarkii Shidaalka, Trump & MBS Oo Ka Wada-hadlay

Riyaadh (HCTV) – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxmed Bin Salmaan ayaa u sheegay Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump in boqortooyadu awood u leedahay inay jawaab ka bixiso Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Goobaha Muhiimka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, kaasi oo ay ugu dambeeyeen Weerarro lagu qaaday Goobaha lagu Warshadeeyo Shidaalka Sucuudiga, kaasi oo dhacay Sabtidii Shalay.

“Boqortooyadu diyaar bay u tahay, wayna awooddaa inay iska difaacdo Weerarrada Argagixisada..” ayuu Maxamed Bin Salmaan u sheegay Madaxweynaha Maraykanka, ka dib markii ay Khadka Telefoonka ku wada hadleen MBS iyo Doland Trump, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA.

Sida laga soo xigtay Safaaradda Sucuudigu ku leeyahay Maraykanka, wuxuu Trump u sheegay Maxamed Bin Salmaan in Maraykanku diyaar u yahay inuu boqortooyada Sucuudiga kala shaqeeyo inay iska difaacdo Weerarrada loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, kuwaasi oo Xuutiyiintu u adeegsadaan Weerarradooda.

Intii ay Telefoonka ku wada-hadlayeen, Trump wuxuu sheegay MBS in Weerarrada ay Xuutiyiintu la beegsanayaan Sucuudigu uu dhaawacay dhaqaalaha Adduunka.

Weerarka ay Xuutiyiintu ku qaadeen Warshadaha lagu sifeeyo Shidaalka Sucuudiga Sabtidii Shalay ayaa hoos u dhigay 5.7 Million Barmiil oo ka mid ahaaa Wax soo-saarka Maalin laha ah ee Sucuudiga, taasi oo ka dhigan in boqolkiiba 50 uu weerarkaasi hoos u dhigay wax soo-saarkii Shidaalka ee Sucuudigu u dhoofin jiray Adduunka intiisa kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka