AWDAL: Booliska Oo Boorama Ku Xidh-xidhay Dhallinyaro Ka Badan 50

Borama (HCTV) – Hawl-gal ballaadhan oo ay wadaan Ciidammada Booliska ee Magaalada Boorama ayaa waxay ku qab-qabteen dhallinyaro ka badan ka badan 50, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay rabshado ka sameeyeen Magaaladaasi.

Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Guutaale ayaa Telefiishanka HCTV u sheegay in dhallinyarada qaarkood la xidh-xidhay oo koox-kooxo ahi ay bilaabeen rabshado ay ku burburinayaan Meheradaha, baabuurta, Dadkana ku waxyeelaynayaan, halka marmarka qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen Aqal-Soomaaliyo ku yaallay gudaha Magaalada Boorama, arrimahaasi oo dhammaantood ku cusub Magaaladaasi.

Sarkaal ka mid ah Booliska Magaalada Boorama oo ugu horrayn ka warramay Sababta dhallinyarada loo xidh-xidhay ayaa yidhi “Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa dhacay, dhallinyaro kooxo ah oo nidaamkii aanu ku naqaanay ka duwan, kuwaasi oo Hantida, Gaadiidka iyo Meheradahaba burburinaya iyo Dadkaba, dhacdooyinkaasi dhowrkii habeen ee u dambeeyay ayay ka socotay Magaalada, markaa Annaga oo la kaashanayna Ciidanka iyo dadweynaha Gacan adag ayaanu ku qabanay.”

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal, Gaashaanle Sare Guutaale ayaa isaguna sheegay “Magaalada Amnigeedu wuu fiican yahay, haddii laga tagi waayo Maalmihii u dambeeyay dhallinyaro koox-koox ah ayaa culays badan ku hayey Magaalada, waxayna u badnaayeen Xaafadaha Jarka iyo Nafaqo, imika illaa labaatameeyo ayaa saldhigyada ku xidhan, 7 illaa 8 Waalidna way ku jiraan, 32 kalena doraad ayaanu jeelka u gudbinay.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaan u mahad-celinayaa Dab-damiska oo habeenkaa dhawayd ee ay buulasha gubeen aad noola hawl-galay..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka