Daalibaan Oo Ka Digtay In Loo Safro Maraykanka (Akhri Sababta)

Afghanistan (HCTV) – Kooxda Taliban ee  dagaallada ka wada Dalka Afghanistaan ayaa Shacabka Dalkiisa uga digay inay u safraan ama u socdaalaan oo ay tagaan Dalka Maraykanka.

Taliban ayaa digniinta ay ka soo saareen in loo Safro Dalka Maraykanka waxay sabab uga dhigeen inay kordhayso Toogashada ka dhacda Gobollada Maraykanka ee ay Dadka Shacabka ah loo geysto, taasina khatarteeda leedahay.

Qoraal rasmiya oo Taliban ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Hubka Shacabku haystaan uu Maraykanka dhibaato ku hayo, dhibaatadaasina saamayn ku keeni karto  Cid kasta, sidaasi darteedna aan loo safrin Maraykanka ,

“Ha u socdaalin Maraykanka, waxa dhici karta in halkaa lagugu toogto..” ayaa ka mid ah hadal uu Warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Taaliban, Suhail Shaheen

Warka ka soo baxay Kooxda Taliban ayaa yimid, xilli laga yaabo inay heshiis nabadeed wada gaadhaan Maraykanka iyo Daaliban, soona afjaraan Dagaalkii ugu dheeraa ee Maraykanka iyo Daalibaan ku dhex mara Afganistaan.

Toogashada ka dhacda Gobollada Maraykanka ayaa dhimasho iyo dhaawacba ku keenta Muwaadiniinta Maraykanka, waxaana inta badan toogashada geysta Dad fikrado khaldan aaminsan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka