Berbera: Taawar Laydh Oo Dilay Hooyo Haysatay 7 Carruur Ah + Sawirro

Berbera (HCTV) – Hal Qof oo Dumar ah ayaa Xalay ku Geeriyootay Magaalada Berbera, ka dib markii uu ku dhacay Taawarrada Laydhka oo Shub ka samaysnaa, kaasi oo ku hor taagnaa Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Daaroole.

Haweenayda Geeriyootay ayaa iyada iyo Carruurteeda oo 7 ah waxay seexdeen Guriga Hortiisa, maaddaama oo ay xilligan kulushahay Magaalada Berbera, si ay halkaa ugu laydhsadaan, laakiin Saqdii dhexe oo ay Hurdaan Hooyada iyo Carruurteeda ayaa Taawarku soo dhacay, waxaanu ku habsaday Hooyada oo keliya, halka Carruurta aanu waxba yeelin.

Sidaana waxa sheegay Weriye Maxamed Cabdillaahi (Soo-fadhiiste) oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Berbera, kaasi oo barka uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey Warkan naxdinta leh.

Meydka haweenayda uu Dilay Taawarka ku soo dhacay ayaa waxa Saaka ka hoos saaray Dadka jaarka, sida uu sheegay Weriye Soo-fadhiiste.

Lama oga in Taawarku si caadi ah u soo dhacay iyo Xadhkaha Laydhka ee uu siday Gaadhi jidhay, taasina sababtay inuu Taawarku soo jabo.

Illaa hadda Maamulka Iyo Laamaha Amnigu kama hadal Geerida Naxdinta leh ee ku timid Hooyada Taawarku dilay.

Horn Cable Tv kala soco Wixii Warkan ku soo kordha.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka