Iran Oo Ganafka Ku Dhufatay Masuuliyada Weerarkii Goobaha Shidaalka Sucuudiga

Tehran, (HCTV) – Dawlada Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay inay wax lug ah ku lahayd weeraradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee Sucuudi Carabiya, waxaanay Mareykanka ku eedeysay inuu yahay khaa’in kadib markii Xoghayaha Arimaha Dibada Mike Pompeo uu tilmaamay in Tehran ay ka dambeysay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu qaaday laba xarumood oo saliida Sacuudigu ay laheyd.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif oo ka jawaabayey hadal ka soo yeedhay Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Mr Pompeo oo isagu sheegay inuu diidan yahay sheegashada Jabhadda Xuutiyiinta Yemen ee taageersan Iran in ay fuliyeen weerarada, ayaa Wasiirka Khaarajiga Iran Javad Zarif waxa uu yidhi “Eedaynta Iiraan ma joojinayso musiibada ka socota dalka Yemen”.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in weeraradii Sabtidii ay kala badh hoos u dhigeen waxsoosaarkii saliida ama shidaalka ilaa 5.7 milyan oo foosto maalintii.

Indhaha Caalamka oo dhami waxay eegayaan suuqyadu markay dib u furaan Isniinta, iyadoo khubaradu filayaan inuu sare u kac ku yimaado qiimaha.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynaha Yemen sanadkii 2015, Xuutiyiinta waxay la dagaallamayeen isbahaysiga uu horkacayo Sacuudiga iyo xulafada reer galbeedka.

Waxay sheegeen inay diyaariyeen 10 diyaaradaha drones ah si ay u weeraraan goobta warshadaha ee Abqaiq iyo garoonka saliida Khurais horaantii Sabtida.

Laakiin Mr Pompeo wuxuu sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo ah in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ka yimid Yemen ay gaysteen, balse taa badalkeeda ay ku eedaynayaan Iran.

Mr Zarif ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in uu ku jees jeesay xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka, isaga oo yiri “markii uu ku guuldareystay cadaadiskii ugu sareeyay, ayuu Pompeo u weecday khiyaanadii ugu sareysey”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.