“Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Waxaanu Aragno Shirkado Ganacsi..” Madaxweynaha Somaliland

Burco (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababta ay Sannadkan Deeqaha Waxbarasho ee Dalku ka helay Itoobiya loogu koobay Ardayda ka baxday Dugsiyada Dawladda iyo Jaamacadaha ay  Dawladdu maamusho, ee looga reebay Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka loo leeyahay.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Shalay Magaalada Burco kaga qayb-galay Qalin-jebinta Dufcaddii 9-aad ee ka aflaxday Jaamacadd Burco, ayaa faahfaahiyey sababta ay Dawladdu deeqaha Waxbarasho ee dalku ka helay Dalalka dibedda looga reebay Ardayda ka soo baxday dugsiga gaarka loo leeyahay, waxaanu yidhi “Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxaanu aragno Shirkado Ganacsi oo dhaqaale ka samaysa Tacliinta, Tayada kor ha u qaadaan, Jaamacaddood ha wanaagsanaato, dhaqaale badan ha geliyaan, waxaanu u aragnaa ama uu gaadhi karo Iskuulka iyo Jaamacadda gaarka loo leeyahay wiil ama gabadh Qoyskoodu dhaqaale haysto. Iskuullada dalka ka jira qaar baa Sannadkii 2 kun Dollar ku kacdaa waxa Ardayga laga qaadaa.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay “Sannadkan waxaanu gaadhnay wixii Waxbarasho bilaash ah Dibedda laga keenayo in la siiyo Jaamacadaha ay Dawladdu maamusho, Waayo? Jaamacadda gaarka loo leeyahay lacag badana Dadka way ka qaaddaa wayna isku filan tahay, Dadka Jaamacadaha ka bixinaya Lacagta intaa leeg Carruurta way u diri karaan Kooras (Dibedeed), markaa waxaanu hor-marinaynaa kaa aan Cidna u maqnayn, halkaas ayaanu ka duulaynaa.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maanta (Shalay) dacwad ayaa ka socota Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida, halkaas ayay joogaan Dugsiyadii iyo Jaamacadihii gaarka loo lahaa, waxay leeyihiin Dadkii waalla kala soocay, xaq bay u leeyihiin inay Dacwoodaan, laakiin wuxuu Dastuurku siiyey ‘Dadka waa in aanay ka abuurmin Dabaqad keligeed nool oo Dadka intiisa kale ka dheeraysaa’, Dastuurku wuxuu leeyahay Dadka hala isku celiyo, haddii kale jiri mayno (In la isku celiyaana) waa Danteena, taas ayaanu eegaynaa ee duulaan kuma nihin iskuullada gaarka loo leeyahay..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka