Al-shabaab Oo Dishay 12 Ka Mid Ah Ciidammada Burundi

Jawhar (HCTV) – 15 ka mid ah Ciidammada Burundi ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ayaa lagu dilay jid-goyn ka dhacday Waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Jawhar ee Dalka Soomaaliya.

Ciidammada Burundi oo iyagoo kolonyo ah ku safrayaye jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Jawhar ayaa waxa lala beegsaday Weerar isugu jiray Qaraxyo iyo Rasaas toos ah, taasina waxay keentay inay dhintaan illaa 12 Askari, isla-markaana dhaawacmaan tiro intaa ka badan, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Weerarkan oo dhacay markii Ciidammada Burundi marayeen Garas Deelle oo ku dhaw degmada Balcad, ayaa waxa masuuliyiintiisa sheegatay kooxda Al-shabaab taasi oo sidoo kale sheegtay inay Ciidammada Burundi ka dishay illaa 14 Askari.

AMISOM ayaan weli ka hadal weerarka lagu laayey Ciidammada Burundi ee qaybta ka ah Ciidammada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka