Madaxweynaha Rwanda Oo Ku Baaqay In Koonfur Afrika Laga Eryo Midawga Afrika

Kigali, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Rwanda President Paul Kagame, oo saxaafada dalkiisa xog ka siinayey heerka soo dhaweynta dadka Afrikaanka ah ee ku xayiran Liibiya dhulkeeda, ayaa ka hadlay arinta Koonfur Afrika ee dadka ajnabiga ah lagu cunsuriyadaynayo.

Waxaanu Madaxweynaha dalka Rwanda soo jeediyey in dalkii Nelson Mandela ay xiligan lagama maarmaan noqotay in laga saaro dhamaan qaybaha ururka Midawga Afrika.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Madaxweyne Paul Kagame waxa uu kor u qaaday oo uu cod dheer ku sheegay ficilada guracan ee cunsuriyada ku salaysan ee ka socda Koonfur Afrika.

“Soo jeedintan waxa hogaaminaya oo adkeynaya mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ee leh cunsuriyadda,” ayuu yidhi Mr. Kagame. Waxaanu intaasi ku daray Dhibaatadan ayaa ka muuqata farriinta Madaxweyne Ramaphoza ee ah in dhiggiisu ay ka caga jiidayaan inay aqbalaan natiijada.

“Markaan maqlo hadalka dhigaysa Ramaphoza wuxuu yidhi diiwaan gelinta weeraradan ugu dambeeyay waxa ku dhintay 10 qof, oo mid kaliya uu yahay ajnabi, waxaan qabaa inay tahay inaan si ku meel gaadh ah aynu uga saarno dhamaan unugyada Midowga Afrika iyo ururada kale ee urur hoosaadka ah, sidaa darteed way fahmi kartaa in Qaaradda Afrika loogu yeedhay qarnigan 21aad inay midoobaan oo aan la arki karin iyada oo laga hor imanayo caqabadaha horyaal ee dunida ka jira, ”ayuu Paul Kagame u sheegay saxaafadda Rwanda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.