Askari Ka Tirsan Ciidamada SPU-da Oo Lagu Dilay Boosaaso

Boosaaso, (HCTV) – Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ilaada ciidamada gaarka ee hay’adaha caalamiga ah ee magacooda loo soo gaabsho (SPU) ayaa toogasho ku dilay duhurnimadii maaanta askari kale oo isla ciidanka illaada hay’adaha ah ka tirsan.

Dilka ayaa dhacay xili ay askarta ku sugnaayeen xarun ay deganyihiin dhawr hay’adood oo ku taalla magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay laga helayo magaalada Boosaaso.

Lama oga sabata ka danbaysay in askarigani uu dilo askariga kale ee ay hal goob ka wada shaqaynayeen.

Hase yeeshee Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Xusseen Cali Maxamed oo ay VOA  la xidhiidhay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka  gaystay, isla markaasna ay baadhi doonaan sababta askarigani uu dilka u  gaysatay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.