Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dhuusa-Mareeb

Dhuusa-Mareeb, (HCTV) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb, waxa ku soo dhaweeyay Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa haatan loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusa-mareeb halkaas oo uu ka bilaabi doono kulamo kala duwan.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in  uu soo xidho Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug  oo in ka badan 10 cisho ka socday Magalada Dhuusamareeb.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.