Laba Wariye Oo Lagu Xidhay Magaalada Burco

Burco, (HCTV) – Ciidamada Bileyska ee gobolka Togdheer ayaa maanta magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi ku xidhay laba wariye oo war ka duubayey mashaariic Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray.

Sida laagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, kaas oo u dhignaa sidan: Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu ka xun yahay qabashada ciidanka booliiska Burco ay ku xidheen laba wariye oo ka tirsan gobolka Togdheer.

Labada wariye ayaa la qabtay iyagoo war ka duubaya mashaariic uu madaxaweyne Muuse Biixi Cabdi ka jarayey xadhiga, halkaas oo ay wariyayaal kale wax ka duubayeen.

Xadhiga labada wariye ayaan loo marin nidasm dharci ah, isla markaana waxa muuqata booliisku inaanay u marin nidaamka sharci ee dalka u yaala.

Ururka SOLJA, marnaba ma aqbalayo in masuul xil haya awoodiisa u adeegsado xadhiga wariyayaasha si kasta dhibane ha uga ahaado warka laga tabiyey, hase yeeshee waxa uu ururka soo dhawaynayaa cid kasta oo Dacwo ka qabta suxufiyiinta inay u maraan nidaamka Garsoorka.

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa xukuumadda inay sii dayso labadaas wariye cid kasta oo dhibane ahna ku amarto inay sharciga ixtiraamaan.

Ururka SOLJA, waxa uu uga mahadnaqayaa Garsoorka Damaanada ay ugu sii daayeen Mulkiilsha Telefishanka Horyaal, isla markaana ay ka aqbasho codsiga damaanada wariyayaasha Hadhwanaag oo dacwadooda la dhagaysto iyagoo banaanka jooga.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha SOLJA