BOORAMA: Booliska Oo Dadweynaha Ugu Baaqay Inay Bartaan Noocyada Maandooriyeyaasha, Sababta

Boorama (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Gobolka Awdal ayaa Magaalada Boorama ku gubay Khamri ka badan 600 litir iyo Xashiishad, kuwaasi oo lagu qabtay Dad doonayey inay ka ganacsadaan.

Booliska iyo Xeer-ilaalinta Awdal oo si wada jir ah Saxaafadda ula hadlay ayaa sheegay in dedaal ugu jiraan la dagaalanka nooc kasta oo Maandooriye ah, waxayna dadweynaha u soo jeediyeen inay baartaan Noocyada Maandooriyeyaasha, si marka ay arkaan ee ay gartaan Booliska ugu soo sheegaan.

“Maandooriyaha Halkan lagu gubayaa waa 670 Litirrada yaryar ah oo Khamri ah iyo Xashiishad..” ayay tidhi, Masuul ka mid ah Bahda Xeer-ilaalinta Dawladda ee Gobolka Awdal oo halkaa ka hadashay, waxayna intaa ku dartay “Waxaan u Mahad-celinayaa Maxkamadaha Derajada Koowaad iyo Derajada labaad ee Khamrigan xukuntay..”

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal, Sheekh Cabdiraxmaan Geeddi Barre ayaa sheegay “Qofka waxaa caadaystaa waa Qofkaa Ummadda ka baloobay, Dad baa ka ganacsanaya oo keenaya, Dad baa beeraya, Xadkii baa inoo dhow oo si dhib yar ayaa la inoo soo gelinayaa, markaa in lagu baraarugsanaado oo laga war hayo ayaa muhiim ah..”

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Awdal oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Dadkii lagu qabtay Maandooriyeyaashan la xukumay oo ay Jeelasha ku jiraan.

Sarkaal u hadlay Ciidammada Booliska ayaa isaguna Dadweynaha ugu baaqay “Dadweynaha waxa looga baahan yahay inay isha ka eegaan waxan oo ay bartaan, oo wax alaale iyo wixii waxaa sida ay Booliska soo gaadhsiiyaan (u soo sheegaan)..” ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Khamriga iyo noocyada kale Maandooriyaha oo dhanka Itoobiya  ka yimaadda ayaa Somaliland dhibaato ku haya.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka