Puntland: Madaxweyne Deni Oo Madaxda Dawladda Dhexe Uga Digay Muddo Korodhsi

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Madaxda Dawladda dhexe ee Soomaaliya uga digay in marka muddo-xilkeedkoodu dhamaado ay muddo korodhsi samaystaan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni wuxuu sheegay inaan la aqbali doonin inay Madaxda Soomaaliya ee xilligan ay muddo-xilkeedkooda korodhsadaan, maaddaama geeddi-socodka nidaamka dimuqraadiga ah ee dalku uu xilligan ku socdo in Hay’adaha dawladeed ee dalku ay sal-dhigaan.

“Lama aqbali doono wax la yidhaahdo muddo korodhsi, maxaa yeelay dalkan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inuu  hay’adihiisa caga dhigtaan..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da, waxaanu intaa ku daray in illaa Dawladdii Mbaghathi Soomaaliya loogu soo dhisay Dawladda heshiis lagu ahaa in Doorasho kasta ay xilligeeda ku dhacdo, “Waxa Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda  oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo..”

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Muddo korodhsina ma iman (Illaa xillii Mbaghathi, 2004-tii), marka ma  rajeyneyno arrimo noocaas ahi inay dhacaan,Waayo? waxay dib u  celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inaan aanay ogolayn la yidhaahdo ‘Maxaa noo dan ah’.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka