Badhasaab Ku-xigeenka Somaliland Ee Badhan Oo Ceerigaabo Ka sheegay Inaan Puntland Xidhin

Ceerigaabo (HCTV) – Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan) ayaa beeniyey Warar Toddobaadkii hore soo baxay, kuwaasi oo sheegayey in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugani ay xidheen.

Badhasaab ku-xigeenka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Xaaladda Gobolka Badhan wanaagsan tahay isla-markaana Nidaamkii Maamulku Gobolka Badhan ee Somaliland uu si fiican u shaqaynayo.

Mr. Suldaan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Gobolka Badhan waa Nabadgalyo oo wuu fiican yahay, Shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin Gobolka Qolo Qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa.”

Badhasaab ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay “Waxaan sheegayaa War borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay, markaa Wax Alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, Aniga Xadhig la ii geystayna ma jiro.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Mar hadday yidhaahdeen waanu xidhnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka