Akhri: Madaxweyne Ka Bedbaaday Qarax Dilay 26 Qof

Afganistan (HCTV) – 26 Qof ayaa ku dhintay, tiro 40 ka badana wy ku dhaawaceen Qarax lala beegsaday Isku soo bax qayb ka ahaa Ololaha doorashada Afganistan oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Dalkaasi Ashraf Ghani.

Kooxda Daalibaan ayaa markiiba sheegatay Masuuliyadda weerarkan Dadka badan ku dhinteen isla-markaana uu ka badbaaday Madaxweynaha Dalka Afganistaan Ashraf Ghani, kaasi oo Qof isa soo miidaamiyey la beegsaday isku soo baxa Ololaha ah ee ka socday Magaalada Charikar oo ah Caasimadda Gobolka Parwan, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Gobolka Parwan ayaa dhaca Waqooyiga Dalka Afganistan.

Nasrat Rahimi oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Afganistan ayaa sheegay in Dadka Qaraxa ismiidaaminta ah ku dhintay ay yihiin 26 Askari ku jirto, dhaawacuna gaadhayo 42.

Madaxa Cisbitaalka Parwan, Abdul Qasim Sangin ayaa sheegay in Dadka dhintay ay Carruuri ka mid tahay, waxaana jirta Cabsi laga qabo inay korodho Tirada Dadka waxyeelladu ka soo gaadhay Weerarka.

Qofka is-qarxiyey oo Qalabaka Qarxiyey ku rakiban yahay ayaa Mooto ku soo galay goobta uu ka socday isku soo baxa uu Madaxweynaha Afganistan ka qayb-galay, laakiin Madaxweynaha oo goob joog ahaa markii Qaraxu dhacayey ayaa bedbaaday isla-markaana aanay dhibaato soo gaadhin, sida AP ka soo xigatay Madaxa Ololihiisa oo magaciisu yahay Hamed Aziz.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka