Qaahira: Ciidammada Booliska Oo Toogasho Ku Dilay 9 Qof

Qaahira (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Dalka Masar ayaa 9 Qof ku dilay Magaalada Qaahira.

Booliska ayaa toogasho ku dilay 9 Qof oo la sheegay inay ka mid yihiin Koox Mitidiin ah oo Xidhiidh la leh Ikhwaanul Muslimiin, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Masar.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Masar ayaa lagu sheegay in Sagaalka Qof ee toogashada lagu dilay ka mid ahaayeen Urur Mitidiin ah oo isbaddel doon ah, isla-markaana hore uga go’ay Ikhwaanul Muslimiin, caadana u leh inay beegsadaan

Ka hor intaan Sagaalka Qof la toogan waxay rasaas iswaydaarsadeen rasaas, xilli ay ku sugnaayeen Waqooyi-bari degmada Obour.

Raggan oo illaa 15-kii halkaa ku dhuumaalaysanayey ayaa boolisku doonayeen inay soo qab-qabtaan oo ay xidhaan, laakiin Rasaas ay iswaydaarsadeen ayaa sababtay inay Geeriyoodaan.

Masar ayaa dagaal kula jirta Kooxo ka mid ah Kooxda Dawladda Islaamka, kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo ka wada lama degaanka Sinai.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka