Madaxmada ICJ Oo Ka Hadashay Kiiska Badda Ee Somalia Iyo Kenya

Hague, (HCTV) – Maxkamada Cadaaladda caalamiga ICJ ee fadhigeedu yahay Hague ayaa sheegtay in horaanta bisha November dib loo furi doono dhageysiga dacwada kiiska Badda ee u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamada ayaa sharaxaad ka bixisay-sharuudaha Suxufiyiinta, diblomaasiyiinta iyo xubnaha dadweynaha ee raba inay ka soo qeybgalaan dhageysiga.

Dibloomaasiyiinta iyo Saxafiyiinta ayaa  heysta in ay codsigooda ku soo gudbiyaan ilaa 24 bisha si ay u codsadaan aqoonsi ay u galaan maxkamadda iyagoo markaa fursad u heli doona dhageysiga Dacwadda.

“Tiro badan oo kuraas ah ayaa loo qoondeyn doonaa xubnaha bulshada marka ugu horeysa, gaar ahaan waxaa ay maxkamadu tixgalin sidiin doontaa Wakiiladda o ka socda Qaybaha Gobolka ee kiiska, iyo xubnaha xubnaha diblomaasiyadeed,” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday maxkamadda.

Qoraalka, Maxkamadda ayaa lagu sheegay  in wareegga koowaad ee dhageysiga la qaban doono laga bilaabo Noofembar 4 iyo 6.

“Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxa ay dhegeysan doontaa  kiiska badda ee Badweynta Hindiya (Soomaaliya v. Kenya), laga bilaabo Isniinta 4 illaa Jimcaha 8 Noofambar 201, ”ayaa lagu yidhi bayaanka oo qayb ka ah.

Maxkamada ayaa dhawaan dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee labada dal kaddib markii ay sidaa codsatay dowladda Kenya, balse dhinaca kale waxaa soconaya dadaallo dowladda Kenya ugu jirto sidii ay Soomaaliya uga bixin laheyd Kiiska Maxkamada oo taa badalkeeda lagu dhameeyo wada hadal.

https://www.the-star.co.ke/news/2019-09-17-icj-gives-conditions-for-attendance-of-kenya-somalia-hearings/

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.