Nin U Dhashay Turkiga Oo Ku Dhaawacmay Miino La Kacday

Muqdisho (HCTV) – Nin u dhashay Turkiga ayaa dhaawacmay, ka dib markii gaadhi uu la socday ay Miino kula kacday Magaalada Muqdisho.

Ninkan oo Shaqaale ka ahaa Shirkad dhisme ayaa Gelinkii hore ee Arbacada Maanta ay Miinadu la kacday gaadhi uu la socday, taasi oo sababtay inuu dhaawac soo gaadho.

Masuul ka mid ah Madaxda Shirkad dhisaysa Waddada Muqdisho-Afgooye oo Qadar Maalgelinayso ayaa xaqiijiyey in weerarkan uu ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalahooda oo Turkish ahaa.

Gaadhiga Miinadu la kacday ayaa isaga khasaare ka soo gaadhay.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda weerarkan, laakiin Al-shabaab ayaa jidka weerarkani ka dhacay ka fulisa Weerarro qaarkood lala beegsado Ajaanibka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka