Somaliland: Garyaqaan Caan Ah Oo Shaaciyey Inuu Shaqadii Qareenimo Uu Joojiyey

Hargeysa, (HCTV) – Garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil oo ah Qareen Caan ah oo ka mid ah qareenada ka hawlgala Maxkamadaha ku yaala magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inuu joojiyey shaqadii qareenimo, kaas oo ku sababeeyey inuu saluugay habka uu u shaqaynayo ee looga garnayo cadaalada Somaliland oo uu ku tilmaamay inay tahay mid maraysa heerkii ugu xumayd.

“Waxaan maanta ummadda reer Somaliland aan doonayaa inaan u iclaamiyo ama u sheego, mudadii shanta sanadood ee u dambaysay oo aan ku shaqaysanayey mihnada Qareenimo oo aan Somaliland kaga dhex shaqaynayey inaan mudo joojiyey ku shaqaysigeeda gaadhaysa saddex sanadood oo aanan mihnadaasi ku shaqayn doonin,” ayuu yidhi Qareen Mubaarig Cabdi Ismaaciil, isagoo ka hadlaya sababta keentay inuu joojiyo shaqadaasi ayaa waxa uu yidhi “Anigu markii aan jaamacada ka soo baxay Sharciga ee aan bilaabayey ku shaqaysiga sharciga, umaan soo galin inaan lacago ku urursado ama aan ka taajiro balse waxaan usoo galay in dadyawga dhibaataysan ee sharciga hortiisa lagu dulminayo aan difaaco oo aan caawiyo, ilaahay ayaan ugu mahadcelinayaa intii uu iwaafajiyey ee karaankayga ahayd ee aan cid caawin karayey inaan caawiyey, oo aan aaminsanahay inay igu ahayd waajib muwaadin ahaan iyo Lawyer ahaanba isaarnayd inaan difaaco qof dhibaataysan.” Ayuu yidhi Qareen Mubaarig Cabdi Ismaaciil oo ka mid ahaa qareenada ugu caansan Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=pkC6QHofngg&t=35s

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.