Afar Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay

Muqdisho, (HCTV) – Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa geeriyootay , tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay gaadiid uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Qaraxaan ayaa ka dhacay waddada mashqulka ah ee Maka almukarama, waxaana lagu beegsaday labo gaari oo mid ka mid ah uu saarnaa Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow, halka kan kalana ay la socdeen ciidammo ilaalo u ahaa xildhibaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Khasaaraha ayaa la sheegay inuu inta badan gaaray ciidammada ilaalada u ahaa xildhibaanka, iyada oo wararka la helayo ay xaqiijinayaan inaysan waxyeelo ka soo gaarin qaraxaa xildhibaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ku bartilmaameed-sadeen qaraxa Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow.

Ma jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka dowladda oo looga hadlay qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.