Khubaro Ka Digtay Cudurka Flu-like Oo Aduunka Oo Dhan Ku Faafi Kara 36 Saacadood, Dili Karana 80million Qof

Toronto, (HCTV) – Khubarada dhinaca caafimaadka ee Caalamka ayaa ka digaysa cudurka A flu-like disease, kaas oo aduunka oo dhan ku fidi kara 36 saacadood gudahood, isla markaana galaafan kara nolosha 80 million oo qof, sida lagu sheegay warbixin la daabacay.

Waxaana warbixintan soo ururiyey kooxda la yidhaa the Global Preparedness Monitoring Board, oo ah koox khubaro dhinaca caafimaadka ah oo uu horkacayey Gro Harlem Brundtland, Raysal Wasaarihii hore ee Norway iyo Agaasimaha Ururka Caafimaadka Aduunka ee the World Health Organization, iyo Alhadj As Sy, Xoghayaha guud ee Ururada Bisha Cas iyo Laanqaytar Cas.

Documenty ciwaan looga dhigay Aduunku khatar ayuu ku jira, kaas oo u samaysan inuu isku dayo inuu dhaafo inta wax talaabo ah aanay qaadin hogaamiyeyaasha adduunka ficil ahaan, wuxuu kaloo soo jeediyay in Spanish flu pandemic of 1918 uu asiibay sedex meelood meel dadka adduunka, oo ay ku dhinteen 50 milyan oo qof.

Hadana haddii faafitaan kan la mid ah uu ka dhici lahaa adduunka maanta, oo ay ka buuxaan dad si joogto ah u safraya, saameyntu way ka sii dari kartaa, warbixinta ayaa sidaasi xustay.

“Khatarta masiibada cudurkan oo faafa ee ku baahsan adduunka oo dhan waa mid dhab ah,” GPMB ayaa ku xustay dukumintiga, sida lagu daabacay Daily Mail. “Cudur-xawliga ah wuxuu leeyahay awood uu ku dilo tobanaan milyan oo qof, carqaladeeyo dhaqaalaha iyo khalkhal gelinta amniga qaranka.”

A World at Risk wuxuu sheegayaa dadaalada hada loogu jiro diyaarinta cudurka dilaaga ah ka dib dhacdooyinka noocaan oo kale ah iyadoo dhibaatada Ebola ay tahay “mid aan ku filneyn”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.