Afganistan: 50 Qof Oo Geeriyooday Iyo 40 Dhaawacmay (Akhri)

Kabul (HCTV) – Ugu yaraan 30 Qof ayaa lagu dilay, 40 kalena way ku dhaawacmeen markii Duqaymo ay Dawladda Maraykanku taageero ee Afghanistan ka geysatay Gobolka Nangarhar.

Sidoo kale, 20 Qof ayaa ku dhintay Cisbitaal ku yaalla Gobolka Zabul, ka dib markii lagu weerarray Qarax loo adeegsaday, kaasi oo Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Daalibaan.

Weerarka hore oo ay geystay Diyaarad ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone-ka ayaa Masuuliyiinta Dawladda Afghanistan ujeeddadeeda ku sheegeen in la doonayey in duqaynta lagu burburiyo goob qarsoon oo ay isticmaalaan Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee ka soo aasaasantay Dalka Ciraaq, laakiin si aan ku talo-gal ahayn in loo beegsaday Beeralay ku sugnaa meesha loo yaqaano Wazir Tangi oo hoos taga Degmada Khogyani ee Gobolka Nangarhar.

Sohrab Qaderi oo Xubin ka ah Guddiga Gobolka Nangarhar ayaa sheegay in duqaynta diyaaradda Drone-ka ah ku dhinteen 30 Qof, 40 kalena ku dhaawacmeen.

Laakiin, Wasiirka Difaaca ee Afganistan ayaa xaqiijiyey Duqaynta, balse wuxuu diiday inuu ka hadlo khasaaraha dhimashada iyo dhaawac ah ee ka dhashay duqayntaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka