Weerarradii Gorgorka Oo Ka Sii Socda Deegaanka Soomaalida Itoobiyaa (Akhri)

Jarati (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Gobolka Af-dheer, gaar ahaan degmada Jarati ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Gacanta ku dhigay Gorgor Weerar ku qaaday qaar ka mid ah shacabka deegaankaasi.

Taliyaha Ciidammada Booliska ee Gobolka Af-dheer, Gaashaanle dhexe Cabdi Ibraahim Cabdi oo u warramay Tefefiishanka deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in markii ay ka war heleen inuu jiro Gogor weerar ku soo qaaday Dadka deegaanka Af-dheer ay ka hawl-galeen.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Meel 2KM u jirta degmada Jarati ayuu Beer ku taalla wuxuu ku soo weerarray dhalinyaro joogtay oo tiradoodu lix ahayd, Gorgorkii wuxuu saddex jeer dhirbaaxo ku dhuftay mid ka mid ah dhallinyaradii, dabadeed dhulka ayuu ku dhacay, isagoo kii dhulka ugu dhacay kor taagan ayay kuwii kale Kebad ku da’deen, sidii baa lagu soo qabtay, imika ayaanu deegaanka u gudbinaynaa (Xarunta Jigjiga)..”

Taliyuhu wuxuu sheegay in deegaanka Hergeele in Gorgor kaa la mid ahi uu weerar ku soo qaaday Dadka deegaanka, sidaasi darteedna ay Ciidamo u direen.

Toddobaadkii hore ayaa weerar uu Gorgor ku qaaday Dadka deegaanka Gaashaamo wuxuu ku dilay Ilmo jiray sannad iyo 7 bilood, halka uu dhaawacay mid intaa ka weynaa oo ay Walaalo ahaayeen, laakiin Gorgorkaa ayaa la sheegay in mar dambe la dilay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka