Muqdisho Oo Lagu Dilay Askari Mooto Bajaaj Dirawal Ka Ahaa

Muqdisho, (HCTV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogashada Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliy oo la sheegay in uu xiligaa la dilay uu waday gaadhi Mooto Bajaaj ah.

Askari la toogtay ayaa la sheegay in sababta uu Mootada u waday aheyd in aan laga qaadin  lacago ay ciidamadu ka qaadayeen gaadiidka gaar ahaana gawaadhida Mooto Bajaajka.

Hase yeeshee muran soo kala dhaxgalay isago ciidamo ku sugnaa Barkootarool keentay in la toogto waxaan sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay milkiilihii Mootada oo xiligaa sarnaa.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana halkaasi ka qaadeen maydka,Askariga ka tirsan ciidanka dowlada ee lagu toogtay Cali Kamiin, iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano la xariira sida wax u dhaceen.

Dadka magaalada ayaa siweyn u hadal haya falkan lagu dilay askariga oo ah dhacdo ku cusub dilalkii hore uga dhici jirey  Muqdisho, waxayna hore ciidamada dowlada ugu dileen magaalada tiro  badan oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto bajaajyada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.