Xuutiyiinta Yemen Oo Ku Dhawaaqay Inay Joojiyeen Weerarida Sucuudiga

Sanca, (HCTV) – Sarkaal sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay joojinayaan weerarada gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee ay ku bartilmaameedsan jireen dalka Sucuudi Carabiya, waxaanay ka digeen in sii socoshada dagaalku ay horseedi karto “khatar dhinaca horumarka ah”.

Dhawaaqan ayaa soo baxay Jimcihii maanta oo uu ku dhawaaqay Mahdi al-Mashat oo ah madaxa golaha sare ee siyaasada  Xuutiyiinta, oo maamula meelo badan oo Yemen ah.

“Waxa aanu ku dhawaaqaynaa inaanu joojinay bartilmaameedsiga dhulka Sucuudi Carabiya ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka, gantaalada ballistic ah iyo dhamaanba noocyada kale ee hubka ah, waxaananu suganaa talaabo taa aanu qaadnay la mid ah oo dhinaca kalena ka timaada,” ayuu yidhi  al-Mashat oo ka hadlayey telefishanka Xuutiyiinta ee Masirah TV.

“Waxaanu sii wadaynaa xaga aanu u leenahay inaanu ka jawaabno hadii dhinaca kale ay suuragal la noqon waydo dedaaladaasi,” ayuu intaasi ku daray Mr al-Mashat.

Dhawaaqan xaadirkan ka soo yeedhay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa imanaya todobaad ka dib markii kooxdaasi ay sheegatay masuuliyada weerar weyn oo lagu qaaday xarumo shidaalka dalka Sucuudigu ay leeyihiin.

Waxaana jirta in Xuutiyiintu ay sheegteen masuuliyada weerarkaasi 14-kii September lagu qaaday xarumaha shirkada shidaalka ee Aramco, taas oo saamayn ku yeelatay wax soo saarkii dhinaca shidaalka ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, isla markaana keentay in Dawlada Maraykanka iyo Sucuuedi Carabiya ay ku eedeeyaan weerarkaasi dalka Iran.

Inkasta oo Iran ay gaashaanka u daruurtay inay lug u leedahay arintaasi, ugana digtay Maraykanka iyo Sucuudiga hadii ay talaabo ay qaadaan inay keeni doonto in dagaal buuxaa uu qarxayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.