Dibed-baxyo Lagu Dalbanayo In Zizi Iscasilo Oo Ka Socda Magaalooyinka Waaweyn Ee Masar

Qaahira (HCTV) – Kumanaan Dimuqraadiyad-doon ah ayaa dibed-baxyo ka dhigaya Magaalooyinka Dalka Masar illaa Jimcihii Shalay.

Dibed-baxayaasha ayaa doonaya inay Madaxweynaha Masar, Cabdiaziiz A-zizi ku khasbaan inuu is casilo oo xukunka ka dego.

Muuqaal lagu baahiyey Baraha Bulshadu ku xidhiidho ayaa muujinaya Dibed-baxayaasha oo ku qaylinaya Kalmado ay ka mid yihiin ‘Waa inuu tagaa Sisi’, waxaana Mudaharaadadani bilaabeen xilli dambe oo Jimcihii ah.

Waxa la soo weriyey in Dibed-baxayaashu isugu soo baxeen Magaalooyinka waaweyn ee Masar, sida Qaahir Alexandria iyo Suez, sida uu baahiyey Telefiishaanka Al-jazeera oo Horn Cable Tv ka soo xigtay.

Askar Boolis ah oo xidhan Dharka Shicibka ayaa isku dayaya inay Mudaharaadayaasha ha hor-joogsadaan Fagaraaha Tahriir ee Badhtamaha Qaahira, halkaasi oo Mudaharaad weyni ka bilaabmay sannadkii 2011-kii, kaasi oo aakhirkii xilka lagaga tuuray Hosni Mubarak.

Wararka Hor-dhaca ahi ma sheegayaan Sababta keentay Mudaharaaddadan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka