Maraykanka Oo Ka Jawaabay Qaylo-dhaan Uu Sucuudigu U Dirsaday

Addis Ababa (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa Dalka Sucuudiga u diraya Ciidamo, si ay Dawladda Sucuudiga uga taageeraan Difaaca Xarumaha Shidaalka, ka dib markii weerar culus lagu qaadya Xarumaha lagu sifeeyo Shidaalka Boqortooyada Sucuudiga.

Dawladda Maraykanka ayaa Weerarka lagu qaaday Warshadaha Sifeeya Shidaalka Sucuudiga ku eedeeyay IRAN, lnkasta oo Masuuliyadda Weerarka ay sheegteen Kooxda Xuutiyiinta ah ee dagaallada ka wada Dalka Yemen.

Madaxweynaha Maraykanka, Doland Trump ayaa Jimcihii Shalay Dhaqan-geliyey go’aanka Ciidammada loogu dirayo Sucuudiga.

Pentagon-kuna wuxuu sheegay in Ciidammadan oo aan noqon doonin kumanaan, isla-markaana ay kuwo farsamo ahaan u horumarsan ay

Laakiin, Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa hore u baahisay in Pentagon-ku uu Sucuudiga u dirayo Hubka ka hor taga Gantaallaha, Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn (Drones) iyo Diyaaradaha dagaalka ee kale.

“Iyadoo laga jawaabayo Codsiga Boqortooyada Sucuudiga, Madaxweynuhu (Trump) wuxuu dhaqan-geliyey in Ciidamo in la diro Ciidamada Maraykanka..” ayuu yidhi, Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Mark Esper

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka