Nin U Dhashay Kanada Oo Ku Geeriyooday Dalka Itoobiya

Addis Ababa (HCTV) – Nin u dhashay Dalka Kanada oo Milyaneer ahaa ayaa ku Geeriyooday Dalka Itoobiya, sida uu sheegay Telefiishanka cbc.

Michael Gebru oo da’diisu ahayd 41 Jir ayaa u Gurigiisa ugu geeriyooday Xaalad aan weli la Sharaxin, sida loo xaqiijiyey Telefiishanka CBC News

Gebru ayaa sannadkii 2017-kii qorshaystay in haddii uu bakhtiyaa-nasiibka lottery-ga loo yaqaano ku guulaysto uu ka faa’iidi doono lacag dhan 14 Million dollar, Lacagtaana uu doonayey inuu ku taageero Dadka baahan, balse wuxuu warku sheegay in Filashadiisii waxaan ahayn soo baxday oo uu helay 10.7 Million, taasina ku keentay Xaalad Degannaansho la’aan ah.

“Had iyo jeer waxaan idhaahdaan, haddii aan ku guulaystay lottery, waxaan caawin doonaa Dadka baahan..” ayuu Ninka dhintay u sheegay Scarborough oo la hadlay CBC.

Ninkan oo Geeriyooday ayaa tan iyo intii uu ku guulaystay Lootarriga wuxuu isaga dab qaadayey Magaalooyinka Toronto iyo Addis Ababa oo uu markii dambe ku Geeriyooday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka