12 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Ciraaq

Karbara (HCTV) –  Gaadhi Bas Caasi ah oo laga soo buuxiyey waxyaaabaha Qarxa ayaa ku qarxay meel dibedda ah Magaalada Karbala ee Shiicada Ciraaq ka barakaystaan.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii Shalay ayaa waxa ku dhintay 12 Qof, waxaana ku dhaawacay 5 kale, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ciraaq oo soo xiganaysa Saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Dadka Shacabka lala beegsado illaa sannadkii 2017 oo Dawladda Ciraaq ku dhawaaqaday inay ka adkaatay Daacish.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka