Puntland Oo Fursad U Aragta In Shaqaalihii ICAO Ee Somaliland Eriday Loo Wareejiyo Madaarka Garoowe

Garoowe (HCTV) – Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada ee Maamul-gobolleedka Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), ayaa xaqiijiyey in shaqaale ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda Maamulka Hawada ee ICAO oo laga eryey Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa qaarkood la geeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Wasiirka Duulista Hawada oo Maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Shaqaalahaasi ma ahayn kuwo u shaqeeya Somaliland ee waxay ahaayeen kuwo u shaqeeya Hay’adda ICAO, dhammaantoodna ahaa Shaqaale Soomaaliyeed oo kuwa Puntland ahi ku jireen, kuwo Somaliland ahi ku jireen, kuwo reer Muqdisho ahina ku jireen.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Puntland ahaan ay ICAO kaga maqnaayeen aqoonsi badan oo la xidhiidha Madaarrada Puntland, sidaasi darteed ay fursad u arkaan in Shaqaalihii ICAO ee Somaliland eriday loo soo wareejiyo Puntland “ICAO waxa nagaga maqnaa aqoonsi badan oo Madaarku leeyahay oo Derajada ICAO ah, markaa awalba annaga oo sugaynay oo muddo daba joognay, markii Maamulka hawada lagu wareejiyey Soomaaliya ayaa Maamulka Somaliland ay shaqada ka joojiyeen Shaqaalihii Caalamiga ahaa ee ICAO u shaqaynayey, annagu fursad baanu u aragnay, aniguna waanigii ka hadlay ee idhi Puntland diyaar bay u tahay in shaqaalahaasi noo soo wareegaan (Shaqaalihii ICAO ee Madaarka Hargeysa laga caydhiyey), markaa shaqaalihii qayb ka mid ahi way noo yimaaddeen, waxayna ka hawl-galeen Madaarka Garoowe.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka