Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Heshiis Isfaham La Saxeexatay Dhigooda Ethiopia

Hargeysa, (HCTV) – Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa heshiis isfaham la saxeexatay dhigooda dalka Ethiopia, heshiiskaasi isfaham ayaa ku saabsan horumarinta warbaahinta.

Heshiiskan labada dhinac dhexmaray ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Waxaana sidoo kale ay ka wadahadleen sidii ay uga wadashaqayn lahaayeen sii xoojinta xidhiidh dhexmara Wasaarada Warfaafinta Somaliland iyo Wasaarada Warfaafinta ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia (Ethiopian Broadcasting Corporation EBC).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.